Jiheeye
Asc walalayaal waxa aan idiin wadaa maanta Buugga Jiheeye oo ah buug aad noo anfacayo maadaama aan nahay ardaydii sanadkaan dhammaysay dugsiga sare. Haddii aad u baahantahay si gaar ah iila soo xariir insha Allah. Xogta buugga wax ka ogowπ BUUGGA JIHEEYE Buugga *“JIHEEYE”* waa buug uu qoray Dr: Cumar Aadan Bulxan, kana hadlaya qaybaha kala duwan ee aqoonta jaamacadda lagu barto, sidii qofku ku xulan lahaa kulliyadda ku habboon iyo weliba sidii uu wejihi lahaa waayaha nolosha, ee qallin jabinta ka dambeeya. Buugan qoraagu waxa uu ka qoray jaad cilmiyeed aan wax badan laga qorin baahi weynna loo qabay, asaga oo ugu talo galay inuu noqda mid jiheeya, jidna u fura ardayda Soomaaliyeed ee jahwareerka badan kala kulmi jiray xulashada kulliyadda ku habboon, xilliga ay jaamcadaha ku biirayaan, maadaama aysan jirin hab barbaarineed ama cilmiyeed ardaydeennu soo maraan, kaasoo ka caawinayaa inay ogaal u yeeshaan hibadooda iyo waxa ku habboon oo ay ka baran lahaayeen jaamacadda ay waq...