QISADII NABI YOUSUF CSLM

                        QISADI NABI YOUSUF.


Ka faa’idays wacan qisadaan waa qiso cajiib ah si fiican u aqri ka dibna sii faafi 
Prepared by Abdiaziz Muhumed Ali (jucufe)


 Aayaadka hoose waxay ka warramayaan qisadii Nabi Yuusuf iyo xaaskii boqorkii uu la noolaa! 


Waa iyadii damaacisay. Waa isagii iska diiday. Waa iyadii isku dayday in ay xoogto. Xarbadii oo socota waa tii boqorkii guriga lahaa uu dalaq soo yiri!


Waa iyadii dacwada kala hormartay ee wixii dhacay Nabi Yuusuf ku nabtay. Halkaas waxaa taagan Boqor xaaskiisu sheeganayso in la kufsan rabay, Nabi Yuusuf iyo ilma dharabta ku jira (aan hadal gaarin). 


Waa tii Eebbe ka hadashiiyay ilmihii sidaasna Nabi Yuusuf ku bari noqday! Intaas waa qiso caan ah oo la yaqaan!


Waqti dheer ayaan aqaannay aayaadkaan oo waliba xafidsanaa iyaga iyo macnahoodaba laakiin ayaan dhawayd waxaa iiga baxay waxyaab leyli ii diray!


Waa laba arrimood oo iska dhalaya tu waa mid maanka wareerinaysa laakiin ogaanshaheeda faa’iido badan uusan nooga maqnayn!


Midna waa macnaha ku jira sheegidda qisada qaybteedaan iyo farriinta ay noo gudbisay! 


Midda hore waa yaa warka sheegay? 


Goobta ceebtu ka dhacday waxaa joogay keliya afar qof. Waa afar midkoodna aan laga fili karin inuu warkaas faafiyo!


Bilcaanta shaydaanku qaaday lama laha iyadaa sheegtay oo is ceebaysay!


Boqorka iyada qaba loogama shaki qabo inuu faafiyo ceebta xaaskiisa balaayadu duufsatay!


Nebi Yuusuf waxaas waa ka macsuum! Ilamaha yarina Eebbe waxa uu uga hadashiiyay asturaadda Yuusuf marka suuragal maaha inuu sii hadlay maalmo kale si uu ceeb u faafiyo! 


Saas oo ay tahay warkii suuqa ayuu ku faafay oo magaalada oo dhan buu gaaray sida aayadda bogga u danbaysa ay noo sheegtay!


Haddaba warka yaa sheegay? 


Ma aqaan! Laga yaabo in ay jiraan sheekooyin Israa’iiliyaad ah oo wax ka tilmaamay laakiin ma maqal meel looga warramayo!


Hasa-yeeshee in aan ogaanno muhiim sidaa uma sii aha! Waxaa se yaab leh oo mudan in aan cashar ka qaadanno farriinta ayaadku noo gudbiyeen!


Middaan u socdo waa in wax sir noqon karaa aysan jirin! Wali ma arag culimo sidaa uga hadashay haddaan ku gefana Allaha ii danbi dhaafo e waxaan is leeyahay farriimaha ugu culus ee aayaadku na bareen waxaa ka mid ah in wixii dhaca aan la qarin karin inuu Eebbe asturo ma ogiye! 


Haddii wixii ka dhacay gobtaas afarta qof sidaa u aammin ah joogeen la qarin waayay maxaa kale oo qarsoomaya? 


Si loo muujiyo in aanu war qarsoomin Soomaalidu waxay soo qaadan jirtay sheekadii boqorkii lahaa dhegaha dameeraha iyo ninkii inta godka afka saaray soddohdii hoos wax uga sheegay! 


Labadaas qisaba waxaa ka cad oo ka muuq dheer midda aayaadkaanu noo sheegeen!


Allow na asturo ma ogiye wax dhacay ama la yiri oo qarsoomayo ma jiraan!

Comments

Popular posts from this blog

WEERARKA MAASOONIYADDA EE DHANKA INTARNETKA.

Jiheeye

MAASOONIYADDA WAR BAAHINTA IYO SIYAASADA.