TAARIKHDA NINKI ISKA LA HAA PHYSICS IYO SCIENCE ALBERT EINSTEIN
Albert Einstein
ALBERT EINSTEIN
Waa ninka iska lahaaaa madoyinka physics iyo science
Waana aqooyaan ku dhashay wadnaka garmalka
Waa maskaxdii ka danbeysay physics iyo science
Wuxuu ahaa nin aad ugu takhasusay cilmiga fiisigiska waxa uu dhashay 14 march 1879. Waxa uu dhintay 18 abril 1955. Waxa uu u dhashay wadanka Jarmalka waxa uu waxbrashadiisi ku qaatay dugsiga swiss federal plytechnic aabihii iyo hooyadiiba waxay ahaayeen yuhuud.waxa uu helay dhalashooyinka Maraykankaiyo Iswiisarland.[1] Waxa uu ku guulaystay 1921jaaisada looyaqaano Nobel. Kadib markii la'äasaasay dawlada Israaiil. Waxaaloosoo bandhigay in uu noqdo madaxwaynaha, Israaiillaakii wuu diiday. Isaga oo jeclaa in aanuu dhexgelin Siyaasadda.waxa uu in badan kahadlay in yahuuda iyo falastiiniyiintu ay nabad kuwada noolaadaan Albert Einstein waxa uu dhashay 1879. Waa ninka aynu badankeenu u naqaano inuu ka mid yahay dadkii ugu garaadka sarreeyey ee koomka soo maray. Garaadkiisa, aqoontiisa iyo waxa uu dunida ku soo kordhiyey waxa ku lammaana guul darrooyin badan oo uu ka soo gudbay. Yaraantiisii waxaa ku adkaa socodka iyo hadalka, taas oo keentay in qaraabadiisa iyo dadkii ka ag dhawaa ay ka werweraan in uu hadalkaba baran waayo sida ay sheegtay Walaashii.
Waxbarashidis baan halkaaan oga hadli donaaaa Albert Einstein
Ee ka faidaysta si dadka ogu taqasusanaaa waxa ay jeclyihin ♥️📕
By Abdiaziz Muhumed Ali (jucufe)
———————————Abdiaziz Jucufe BloggMarkii uu dugsiga ku jiray waxa uu la daalaa dhici jiray barashada Qoraalka iyada oo la aaminsana in uu Qabo xanuunka loo yaqaano DYSLEXIA oo ah khalkhal ku dhaca hannaanka akhriska iyo Qoraalka.
Waxa uu ahaa qof aan ku fiicnayn wax barashada, waxaana taas kuu caddaynaya waxa uu 16 goor ku guul darraystay inuu ka gudbo imtixaankii uu ku geli lahaa dugsiga Swiss Federal Plytechnic oo ku yaal magaalada Zurich, kuma uu istaagin halkii oo kama hadhin waxbarashadii ee dugsiii aakhirkii wuu galay, balse intii uu Jaamacadda ku jiray waxa uu la taag darnaa waxbarashada, kuna dhawaaday inuu iskaga baxo Jaamacadda.
Waxa uu darajooyin hoose keeni jiray duruusta iyo culuumta uu Jaamacadda ka dhiganaayey. Aabbihii intii aanu dhiman waxa uu aaminsanaa in wiilkiisu yahay mid khasaaray, taasoo Einstein ku keeni jirtay niyad-jab aad u weyn, maadaama waalidkiisu ka aaminsanaa mid khasaaray. Markii uu Jaamacadda dirqi kaga qallin jebiyey, waxa uu la yaabanaa amma uu ku wareersana halka uu gaadhi doono iyo sida uu noqon doono. Aakhirkii waxa uu helay shaqo ah caymiska iibgeyntiisa, isagoo guri kasta oo degaankiisa ah garaacay si uu u iibgeeyo caymiska uu ka hawlgalay.
Muddo laba sannadood ah kadib, waxa uu shaqo ka helay xafiiska (Patent Office) oo ah meel lagu ururiyo waxyaaba cusub ee la Ikhtiraaco. Waxa uu ka noqday caawiyayaha imtixaamaha (Assistant examiner), waxaannu qiimayn jiray codsiyada alaabaha kala duwan ee xafiiskiisa soo gaadha. Dabcan, qofka aad arkaysaan caqabadaha iyo guul darrooyinka soo wajahay waxa uu dunida aakhirkii ku soo biiriyey taariikh aan ilaa hadda hadhin, gaar ahaan cilmiga fiisigiska iyo xisaabta (physics & maths). Sidoo kale, waxa uu inaga caawiyey in aan fahano sida cilmiga dunidan yaala u shaqeeyo, waxa uu sameeyey amma uu fikirkooda lahaa shuruuc hadda lagu dhaqaajiyay cilmiga Fiisigiska, waxa uu noqday faylasuuf falsafadaha siyaasiga ah ka soo burqamaan.
Waxa uu sannadkii 1921kii ku guulaystay bilada Nobel Prize. Waxa uu bilaabay aragtiyo muhiim ah. Waxa uu intaas oo dhan ku kasbaday dedaal iyo horumar. Aqoonyahan kasta oo waxbarta wuu yaqaan Einstein. Waxa uu u daba fadhiistaa cilmiyo badan iyo maskaxda uu lahaa aawadeed.
Xigasho/C/raxmaan Cabdullaahi
Comments
Post a Comment