Jiheeye
Haddii aad u baahantahay si gaar ah iila soo xariir insha Allah.
Xogta buugga wax ka ogow👇
BUUGGA JIHEEYE
Buugga *“JIHEEYE”* waa buug uu qoray Dr: Cumar Aadan Bulxan, kana hadlaya qaybaha kala duwan ee aqoonta jaamacadda lagu barto, sidii qofku ku xulan lahaa kulliyadda ku habboon iyo weliba sidii uu wejihi lahaa waayaha nolosha, ee qallin jabinta ka dambeeya.
Buugan qoraagu waxa uu ka qoray jaad cilmiyeed aan wax badan laga qorin baahi weynna loo qabay, asaga oo ugu talo galay inuu noqda mid jiheeya, jidna u fura ardayda Soomaaliyeed ee jahwareerka badan kala kulmi jiray xulashada kulliyadda ku habboon, xilliga ay jaamcadaha ku biirayaan, maadaama aysan jirin hab barbaarineed ama cilmiyeed ardaydeennu soo maraan, kaasoo ka caawinayaa inay ogaal u yeeshaan hibadooda iyo waxa ku habboon oo ay ka baran lahaayeen jaamacadda ay waqtiga iyo waxdheefkaba u hurayaan, si ay natiijo wax ku ool uga keenaan.
Buugan Jiheeye oo ka kooban todobo cutub, waxa uu qoruhu ku sharraxay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: ereyga jaamacad, farqiga u dhexeeya aqoonta jaacamadda iyo midda school-ka, tabaha ardayga u suurtagelinaya inuu naftiisa barto, si uu u fahmo kulliyadda ku habboon shakhsiyaddiisa. Sidoo kale, waxa uu ku qeexay aqoonta jaamacadda lagu barto iyo inta ay u kala baxdo, asaga oo u kala saaray saynis, aartis iyo culuumta dhaqaala la xiriirta oo uu gooni u sharraxay. Si taas la mid ah, waxa uu sharraxaad iyo kala abla ablayn ku sameeyay in ka badan 9 kulliyadood, oo mid kastaba leedahay takhasusaad aad u faro badan.
Qoraagu waxa uu sharaxay Kulliyad kasta, inta takhasus ee ay u kala baxdo, takhasus kasta waxa lagu barto, qofka ku habboon inuu barto, xirfadaha iyo dabeecadaha looga baahan yahay qofka baranaya, meelaha uu ka shaqayn doono iyo sidoo kale, waxyaabaha laga rabo inuu ku fiicnaado ka hor inta uusan kullayaddan billiaabin.
Hadii ardaygu labo kulliyadood middii uu dooran lahaa ku wareero, buugga "Jiheeye" waxa uu ka helayaa, tacriifka labada kulliyadood, takhasusyada ka farcama, maaddooyinka lagu barto, qofka ku habboon inuu barto iyo waxa uu ka shaqayn doono. Intaas ka dib, ardayga waxaa fudud inuu go’aan sax ah qaato, doortana kulliyadda ku habboon. Sidoo kale, Buuga waxaa uu aad u anfacayaa ardayda jaamacadaha dhamaysay, ee la tacaalaya mawjahada nololeed ee qalin jabinta ka dambeeya, waxa uuna siinayaa tabo iyo talooyin wax u goynaya.
Ugu dambayn, Buugan Jiheeye gaar uma ahan ardayda, ee waxa uu anfac iyo intifaacsiba u leeyahay ruux kasta oo doonaya inuu ogaal u yeesho aqoonta iyo amuuraha jaamacadda. Arday kasta oo akhriya asaga oo ku jira waayaha waxbarashada, waxa uu ka badbaadi doonaa dookh wareerka iyo ka diimoonaanta arrimaha jaamacadda, oo ardaydu inta badan ku dhibtoodaan.
JIHEEYE JID U FURAHA ARDAYDA SOOMAALIYED.
Mahadsanadiin 👏🙏
Comments
Post a Comment